Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo culimada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xasan

0
816
TACSI MADAXWEYNE: 09/08/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/08/2020 Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu Sheekha ku sifeeyey mid ka mida culimada dalka magaca iyo maamuuska ku dhex leh, gaar ahaan gobolka ceerigaabo oo uu muddo dheer ka ahaa iimaamka masjid jaamaca Ceerigaabo.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.