Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Koobka Horyaalka Horyaallada Kooxaha Jamhuuriyadda Somaliland

0
314

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Koobka Horyaalka Horyaallada Kooxaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa-16-12-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay tartanka horyaalka horyaallada kooxaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi oo munaasibadda furitaanka ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka ugaga mahadnaqay taageerada hagar la’aanta ah ee uu la garab taagan yahay ciyaaraha dalka oo ah kuwo aan marnaba istaagin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hor intii aanu kulanka ciyaaraha ee maanta daah-furin kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn soo dhaweeyey tartanka kubbadda cagta ee horyaalka horyaallada, waxana uu bogaadiyey sida habsamida leh ee ay wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaruhu hawsha u daadihinayso.

Madaweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay ka dawlad ahaan soo dhaweynayaan horyaalka maanta bilaabmay, islamarkaana ay si kal iyo laab ah ugu hagar baxeen horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada reer Somaliland-ba, waxana uu yidhi,“Aniga iyo xubnaha wasiirrada ah iyo martida kale ee joogtaba Sharaf, farxad iyo rayn-rayn bay noo tahay inaanu kasoo qaybgalno furitaanka horyaalka horyaallada gobollada, markasta oo dhallinyaradu ciyaaraysana qalbigaanu kala jirnaa, ciyaaraheennuna waxanu jecelnahay inay noqdaan kuwo aad u muuqda oo caalamka ka qaygala, haynteenna oo yar mooyaane wixii dhallinyarada horumarkooda Qaran ahaan wax aynu ka hagranaynaa ma jirto.”

Intaa kaddib, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u bilaabay kubbaddii ugu horraysay ee horyaalkan lagu furay, waxana ciyaarta maantu u dhaxaysay kooxaha DP World iyo Gaashaan Burco, isagoo isla maanta madaxweynuhu xadhigga ka jaray iftiimin (lighting) casri ah oo garoonka lagu sameeyey, maaddaama oo wareegga la ciyaarayo habeennimo.

Wa-bilaahi Tawfiiq