Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Ee Heer Qaran + Sawiro

0
414

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Ee Heer Qaran.

 

Hargeysa-12-09-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweynaha madasha dhaqaalaha heer qaran oo maanta la ibo furay.

 

Shirweynahan oo lagu lafo-gurayo arrimo kala duwan oo ku saabsan dhaqaalaha dalka oo ay kamid yihiin fursadaha maalgashi ee Somaliland yaalla iyo caqabadaha ku xeeran iyo doodo ku saabsan wax soo saarka dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha Baanka dhexe, agaasimeyaal guud, aqoonyahanno dhaqaalaha ku takhasusay iyo haldoor kale oo xukuumadda iyo qaybaha kale ee bulshadaba katirsan.

 

Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, Ganacsiga iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo hadallada u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu shirkani qaranka u leeyahay iyo sida looga filayo inay kasoo baxaan waxyaabo xal u noqdo dhibaatooyinka dhaqaale ee haatan taagan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo madasha si rasmi ah u daah-furay, ayaa ugu horrayn bogaadiyey qabanqaabiyayaasha shirka, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii kordhiyaan dedaalkooda, soona bandhigaan xal waara oo lagaga gudbo caqabadaha dhaqaale ee taagan.

 

Madaxweynuhu waxa uu madasha ka sheegay in caqabadda ugu weyn ee haatan taagan ee u baahan in wax laga qabtaa tahay biyo yaraanta ay ka dhalatay isbeddelka cimiladu,“Si aynu uga baxno dhaqaale xumada, maanta baahida ugu weyni waa si aynu biyo u  helno, isbeddelkii cimiladuna wuu soconayaa, mana joojin karno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq