Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-furay Tartanka Horyaalka Horyaallada Oo Berbera Ka Bilaabmay

0
457

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-furay Tartanka Horyaalka Horyaallada Oo Berbera Ka Bilaabmay.

 

Berbera-23-12-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka kubbadda cagta horyaalka horyaallada Somaliland ee sannadka 2021-ka oo ka bilaabmay garoonka Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera.

 

Furitaanka tartanka horyaalka horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, wefti ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, madaxda xidhiidhka kubbadda cagta, dadweyne kala duwan oo daawaneyey iyo labada kooxood ee ay galabta ciyaarta furitaanku u dhexaysay, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada ciyaaraysay, laguna bogaadinayey wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ee dedaalka ugu jirta iyo dalka ka hirgeliso tartanno kala duwan oo dhallinyaradu isku dhex gelayso.

 

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka ka hirgeliyaan ciyaaro kala duwan oo ay kor ugu qaadayaan isfahanka iyo isdhexgalka dhallinyarada dalka, islamarkaana ay dalka oo dhan ka hirgeliyeen tartammo kala duwan.

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hor intii aanu tartanka Daah-furin halkaas ka hadlay, ayaa si guud u ammaanay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxana uu shacabka reer Berbera ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen kooxaha kala duwan ee ay martigelinayaan.

 

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay muhiimada uu Dastuurka qaranku siiyey in dalka laga hirgeliyo ciyaaro kala duwan oo da’yarta dalka la isku dhexgelinayo, lagagana daweynayo belwedaha iyo ficillada liita ee dhallinyarada mustaqbalkooda curyaamiya,“Halkan waxan u imi waxa I faraya Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa  15-aad faqraddiisa 8-aad waxa ay faraysaa xukuumadda iyo madaxweynaha inay hirgeliyaan oo ay taabbo-geliyaan ciyaaraha iyo Sport-ga si ay dhallinyaradu u noqdaan qaar ka kora jidhka iyo maskaxda, dhaqanka iyo aqoonta guudba, waana qodob Dastuuri ah ” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Tartanka horyaalka horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadka 2021-ka, ayaa waxa ka qaybgalaya 12 kooxood oo ka kala socda gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas horumar ballaadhan sameeyey sannadkan, islamarkaana qaarkood ku guulaysteen koobab kala duwan oo gobollada ay kasoo jeedaan lagu qabtay.

Wa-bilaahi Tawfiiq