Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dardaaran dhaxalgal ah siiyey xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo intoodii Shalay la ansixiyey maanta la dhaariyey.

0
310
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dardaaran dhaxalgal ah siiyey xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo intoodii Shalay la ansixiyey maanta la dhaariyey.
Hargeysa:07/09/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dardaaran dhaxalgal ah siiyey xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka ee dhawaan kasoo gudbay ansixinta golaha wakiillada oo maanta hortiisa lagu dhaariyey.
Xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ee maanta madaxweynaha hortiisa yimi, saddex kamid ahna uu halkaas ku dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayuu madaxweynuhu ku adkeeyey inay hawshooda qaran u gutaan si xilkasnimo iyo dedaal ku jiro, dhexdana u xidhaan inay hawlaha ballaadhan ee doorashooyinka ee qaranku ka sugayo ay hore ka bilaabaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ugu horrayn xubnaha la ansixiyey ee Komishanka doorashooyinka ku adkeeyey inay gudahahooda muujiyaan midnimo iyo masuuliyad-wadareed, gudahoodana samaystaan xeer-hoosaadyo ay ku kala socdaan.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in xubnaha komisanka looga fadhiyo hirgelinta labada doorasho ee ururrada iyo madaxweynaha oo uu xusay inay midda ururradu soo horayso, waxana uu yidhi,“Laba doorasho ayaa ina dul yaalla oo aad qaadaysaan, midi waa tii xisbiyada, marka aad saddexda xisbi soo saartaan baa madaxweynahana la dooranayaa, ururradaa cararayaana madaxweynay doonayaan, mana dhici karto in la yidhaahdo ururradow, ururna sameeya, madaxweynena u gudbi maysaane dib u suga, sharcigana ma waafaqsana.”
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha komishanka u sheegay inuu madaxwene ahaan si buuxda u garab taagan taagan yahay, gacan buuxdana ka siinayo wax kasta oo dhinaciisa kaga xidhan.