Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo gudoomiyaha Baanka Dhexe ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Hooyadii

0
478
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo gudoomiyaha Baanka Dhexe ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Hooyadii
TACSI MADAXWEYNE: 05/02/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xaadsan Muxumed Axmed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 05/02/2021 magaalo madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne.
 
 
Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi gudoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo marxuumadu hooyadii ahayd.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.