Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Ah Kulan kula Qaatay Afar iyo Toban Safiir Iyo Ku Xigeeno Isugu Jira

0
353

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Ah Kulan kula Qaatay Afar iyo Toban Safiir Iyo Ku Xigeeno Isugu Jira.

 

Hargeysa-08-11-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 08/11/2022 waxa uu habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kulayeeshay Safiiro iyo ku xigeeno ay wehelinayaan diblamaasiyiin oo kala ah, EU – Ambassador Tiina Intelmann, Belgium – Ambassador Peter Maddens, Denmark –  Ambassador Steen Sonne Andersen, Finland –  Ambassador Pirkka Tapiola, France – Ambassador Arnaud Suquet, Ireland –  Ambassador Fionnuala Quinlan, Italy – Ambassador Alberto Vecchi, Norway – Ambassador Gunnar Holm and chargé d’affaires Haakon Svane, Sweden – Ambassador Per Lindgärde, Germany – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador, Netherlands – Deputy Ambassador Laurie Visser, US – Anthony Diaz, Deputy Chief of Mission (Acting), UK – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa iyo Canada – Robert Bunbury, First Secretary. Waxaana kulankaasi lagu lafo-guray, hawlaha gargaarka binu-aadannimo, dar-dargelinta iyo xoojinta mashaariicda ay hore uga wadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka.

 

########