Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hambalyeeyey Shirguddoonka Cusub Ee Golaha Wakiillada Loo Doortay, Kulana La Qaatay + Sawiro

0
431

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hambalyeeyey Shirguddoonka Cusub Ee Golaha Wakiillada Loo Doortay, Kulana La Qaatay.

“Maanta Somaliland oo dhan baa guulaysataye nin qudha ahi ma guulaysan, xisbina ma guulaysan, guddoomiyaha Baarlamaanka , ku-xigeenka koowaad iyo labaadna waan soo dhaweynayaa, waanan hambalyeynayaa, guddoomiyihii la tartamayeyna waan hambalyeynayaa, tartan isu dhaw buu ahaa, waa Dimuqraaddiyad, sida uu u hambalyeeyey iyo waayeelnimada uu muujiyeyna waan hambalyeynayaa.”

 

Hargeysa-03-07-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shir-guddoonka cusub ee maanta loo doortay golaha wakiillada ee ay dhawaan shacabku u codeeyeen.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo daqiiqado kaddib markii doorashada shir-guddoonku qabsoontay qasriga madaxtooyada ku qaabilay xubnaha cusub ee shir-guddoonka, ayaa ugu horrayn u duceeyey shirguddoonka cusub, isaga oo sidoo kale hambalyeeyey madaxdii shirka maamulaysay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan hambalyeynayaa golaha Baarlamaanka ee cusub ee maanta shaqadu u bilaabmayso, waxanan ugu ducaynayaa inay hawshooda si qarannimo ah u gutaan, waxana hambalyeynayaa lixdii murrashax ee tartanka u galay saddexda kursi ee hoggaaminta Baarlamaanka, waxan hambalyeynayaa odayaashii maanta hawsha maamulay oo ay kow ka yihiin, guddoomiyaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanku iyo habka qarannimada iyo caddaaladda leh ee ay shirka u maamuleen.”

 

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay maanta tahay maalin ay Somaliland guulaysatay, cadowguna ka murugoonayo guusha iyo isu hannaynta dhacday,  “Maanta waa maalin taariikhi ah, Somaliland-na  waxay ugu suntanaan doontaa baal dahab ah, Ilaahayna wuxuu ina gaadhsiiyey guul weyn oo dhammaan Somaliland ku guulaysatay oo wixii Somaliland jecelina uu ku farxayo, cadowga Somaliland-na uu ku jabayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu hoosta ka xarriiqay in guusha qaranka Somaliland oo dhammi wada leeyahay oo aanay xisbi iyo cid gaar ahi sheegan Karin, isaga oo si wada-jir ah u hambalyeeyey shirguddoonka la doortay iyo xildhibaannadii kale ee kuraasida kula tartameyey ee sida quruxda iyo Dimuqraaddiyadda leh u hanneeyey natiijada, waxana uu yidhi,“Maanta Somaliland oo dhan baa guulaysataye nin qudha ahi ma guulaysan, xisbina ma guulaysan, guddoomiyaha Baarlamaanka , ku-xigeenka koowaad iyo labaadna waan soo dhaweynayaa, waanan hambalyeynayaa, guddoomiyihii la tartamayeyna waan hambalyeynayaa, tartan isu dhaw buu ahaa, waa Dimuqraaddiyad, sida uu u hambalyeeyey iyo waayeelnimada uu muujiyeyna waan hambalyeynayaa.”

 

Shir-guddoonka cusub ee golaha wakiillada ayaa maanta loo doortay, xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loo doortay guddoomiyaha golaha Wakiillada, xildhibaan Siciid Mire Faarax Giirre oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha iyo xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq