Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Aadan Yuusuf Abokor + Sawiro

0
465

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Aadan Yuusuf Abokor

 

Hargeysa-22/11/2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Aadan Yuusuf Abokor oo kamid ahaa halgamayaashii  ibo-furay ururkii dhallinyarada ahaa ee ka dhiidhiyey dhibaatadii iyo tacaddigii uu taliskii Siyaad Barre kula kacay bulshada ku dhaqan Somaliland ee UFFO, kaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

 

Aaska qaran ee marxuum Aadan Yuusuf Abokor oo ka dhacay deegaanka Toon ee Koonfurta caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah shir-guddoonka golaha wakiillada, madaxda axsaabta siyaasadda, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimaa’udiin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, waxana lagu dheeraaday taariikhdii guunka ahayd ee marxuumka iyo kaalintii cuddoonayd ee uu ku lahaa halgankii dib-u-xoraynta dalka.

 

Madaxweynaha, ayaa  salaad jinaaso ah oo marxuumka lagu tukaday kala qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo Aaska ka qaybgalay, waxana intaas kaddib taariikhda marxuumka kelmedo kooban ka yidhi guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah saaxiibadii gaarka ahaa ee marxuumka, siyaasiyiin iyo ganacsato, kuwaas oo ku dheeraaday doorkii shariifka ahaa ee uu kaga jirey horumarinta iyo dhismaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa tacsi u u diray ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuum Aadan Yuusuf Abokor, waxana uu si qoto dheer uga sheekeeyey kaalintii uu ku lahaa halgankii lagaga dhiidhiyey taliskii Siyaad Barre iyo sidii uu mar kasta tusaalaha ugu ahaa wanaagga.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Addoon ka shaqayn jirey samaha iyo isu soo dhaweynta dadka, una dabranaa wanaagga iyo danta guud, “Ninkaasi wuxuu ahaa addoon Ilaahay nabadda iyo dadka isu soo dhaweyntooda iyo wanaagga u diray, intii uu joogay soddonkii sano ee dambe wuxuu ka shaqaynayey samo-falka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

default

 

Wa-bilaahi Tawfiiq