Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qayb-galay Aaska Qaran oo loo Sameeyey Marxuum Cali San-yare

0
600

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey siyaasi Cali Ibraahim Maxamed(Cali sanyare) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Switzerland, islamaantana lagu aasay deegaanka Toon oo dhinaca koonfur kaga beegan caasimadda Hargeysa.
Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Cali Sanyare, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, culimaa’udiin, waxgarad, aqoonyahan iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland ah, waxana siyaabo kala duwan looga hadlay taariikhda marxuumka iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka iyo horumarintiisaba, iyada oo lagu sifeeyey aqoonyahan indheer garad ahaa oo taariikh ma guurto ah u dhiteeyey qarankiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu si qoto dheer uga warramay taariikh-nololeedka marxuumka, waqtiyadii dhallaan-nimo iyo dhallinyarnimadiisii uu kaalin-galka noqday, isagoo shacbiga la wadaagay shaqooyin martabaddoodu sarrayso oo uu marxuumku soo caalamka kasoo qabtay, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Marxuum Cali Sanyare, waxa uu ahaa dhallinyaradii Hargeysa ku barbaartay, waxana uu waxbarashada ka bilaabay dugsiga Riis, waxana uu ka baxay dugsigii farsamada gacanta ee VTC, dabadeedna waxa uu noqday karraani ka shaqeeya wasaaradda caddaaladda, maxkamadaha Hargeysa ayuuna shaqada ka bilaabay, intaas kaddibna wasaaraddii Caddaaladda ee Xamar buu joogi jirey, ilaa uu Agaasime guud ka gaadhay. Halkaas markuu joogayna waxa loo beddelay midowgii Afrka laantiisa shaqaalaha oo uu dhawr iyo toban sano ka shaqaynayey, markii dambena ururka shaqaalaha adduunka ee ILO-da ayuu ku biiray oo ka gaadhay heer sare, waxana uu deggenaa Jeneefa in badan.”
Madaxweynuhu, waxa uu dhinaca kale sharraxaad dheer ka bixiyey shakhsiyaddii marxuum Cali Sanyare, waxana uu ku tilmaamay aqoonyahan karti badnaa oo himilooyinkii uu lahaa ka midho-dhaliyey, “Cali, nin waxtar ah ayuu ahaa oo bulshaawi ah oo dadka aad u yaqaaanna oo dadku u siman yihiin buu ahaa, meel uu joogona qof ugu yimi kumuu qaloonin, raggii ay asxaabta ahaayeenna rag badan baa ka nool, waxana uu ahaa nin qalambaawi ah oo halkuu joogo la yidhaahdo Cali inoo geeya, nin weyn oo dadka ururiya ayuu ahaa, waxana taas kuugu daliil ah, isaga oo dalka Afartan sano ka maqan buu yimi, isaga oo aan bil jooginna wasiir buu noqday, waxana uu noqday wasiirka qudha ee aanay dadku u kala soocnayn, mucaarid walaa muxaafid,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Marxuum Cali Ibraahim Maxamed(Cali sanyare), ayaa muddo dheer xilka wasiirka qorshaynta kasoo ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxana intii uu mansabkaas hayey iyo intii aanu hayninba uu wax badan taray bulshadiisa, isaga oo hormood ka ahaa mashaariic tiro badan oo dalka hore loogu marinayey.