Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xidhitaanka Dufcaddii Saddexaad Ee Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran + Sawiro

0
501

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xidhitaanka Dufcaddii Saddexaad Ee Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran.

Hargeysa-11-07-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u soo xidhay dufcaddii saddexaad ee barnaamijka carbiska shaqo qaran oo ku jiray xarunta dugsiga tababarka ee Dararweyne oo dhinaca waqooyi-barri kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibadda lagu soo xidhayey tababarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, xubno kamid ah golaha wasiirrada, macallimiintooda iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn halkaas salaam kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka, waxana uu indho indheeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay halkaas ku soo bandhigeen dufcada maanta qalinjebisay.

Ugu horrayn agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka) oo munaasibadda furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay kulliyaddu soo martay, waxana uu tilmaamay inay maamul ahaan iyo qaran ahaanba loo hagar baxay dhallinyarada maanta qalinjebinaysa, islamarkaana ay kalsooni badan ku qabaan in midhahaasi ay qaranka anfici doonaan.

Maayarka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Aadan Digaale oo kamid ah dufcaddii labaad ee Ardayda Shaqo Qaran oo halkaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa ka sheekeeyey casharradii dhaxalgalka ahaa ee uu ka bartay kulliyadda iyo sida ay qaybta uga qaadatay horumarkiisa, waxana uu sheegay inuu tusaale nool u yahay inay dhallinyarada Shaqo Qaran mustaqbal ifaya leeyihiin.

Taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, guddoomiyeyaasha Jaamacadaha, Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo Hargeysa, Prof. Maxamed Yuusuf oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in dhallinyaro aqoonyahanno ah oo waddaniyad iyo xirfado ku hubaysani markii saddexaad ka aflaxaan Barnaamijka Shaqo Qaran oo foolaad u ah himilooyinkii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada, Mudane Mustafe Maxamed Cali Bille oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey da’yarta maanta ka Aflaxday kulliyadda carbiska ee Dararweyne, waxana ay kula dardaarmeen inay weeleeyaan duruusta waddaniyaddu ugu weynayd ee la baray muddadii ay halkaas ku jireen, dadkooda iyo dalkoodana uga faa’iideeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyey, soona xidhay dufcadii saddexaad ee Shaqo qaran oo maanta ka qalinjebisay kulliyadda Shaqo Qaran, waxana uu kula dardaarmay inay wanaagga u hiiliyaan, kana hortagaan wax kasta oo dalkooda iyo dadkoodaba wax yeelaya, waxana uu yidhi,“Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa shaqo qaran, agaasimahooda iyo intii tababartay, Ardayda maanta qalinjebinaysa hambalyo, dardaarankeennu waa wixii wanaag ah oo aad u hiilisaan, wixii xumaan ah oo aad ka hortagtaan iyo dalkiinna oo aad u hiilisaan.”

default

default
default

Wa-bilaahi Tawfiiq