Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Suldaan Maxamuud Siciid

0
390

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Suldaan Maxamuud Siciid.

 

Hargeysa-03-11-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa loogu sameeyey marxuum Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed oo xalay geeriyooday.

 

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay hoggaanka axsaabta qaranka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-dhaqameed, xildhibaanno iyo boqollaal shacab ah oo kasoo qaybgalay jinaasada marxuumka.

 

Xubno isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah oo goobta jinaasada marxuumka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday wanaaggii marxuumka iyo samo-falkiisii, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu jannadii Firdawsa ka waraabiyo, ehelka iyo qarankana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu marxuumka ku sifeeyey shaqsi xishood badnaa oo Afkiisa iyo addinkiisaba laga nabadgeli jirey, Ilaahayna karti badan siiyey, waxana uu yidhi,“Suldaanku wuxuu ahaa nin xishood, sarriig iyo ixtiraam badan, wuxuuna kamid ahaa dadka Bani’aadamka ugu Af gaaban, ugu xishood badan, uguna waxtarka badan, intii uu madax-dhaqameedka ahaana nabad iyo wanaag mooyaane wax kale kamuu shaqayn, waxana uu ahaa dadka Afkiisa iyo addinkiisaba laga nabadgalay.”

Wa-Bilaahi Tawfiiq