Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Xasan Gadhweyne

0
380

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Xasan Gadhweyne

 

Hargeysa-04-10-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Malowle ee galbeedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-weyne) oo shalay geeriyooday.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ah, ayaa ka qaybgalay jinaasada marxuumka, waxana halkaas laga akhriyey taariikhdii marxuumka, doorkiisii dib-u-dhiska qaranka Somaliland iyo samafalkii uu caanka ku ahaa.

 

Ugu horrayn qaar kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo ay aad isugu dhawaayeen marxuumka, ayaa ku dheeraaday taariikhdii iyo astaamihii wanaagsanaa ee uu lahaa, waxana ay Eebbe uga baryeen naxariistii inuu janno ka waraabiyo.

 

Siyaasiyiin iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay kaalintii uu marxuumku ku lahaa hirgelinta qaranka Somaliland iyo dhismihiisaba, waxana ay ku sifeeyeen siyaasi rug-caddaa ahaa oo bulshadiisa iyo dalkiisaba usoo adeegay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsiyadeeyey ehelka qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, waxana uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi  samo-fale ahaa oo sifooyin badan oo wanaagsan lahaa, waxana uu yidhi, “Xasan oo samofalkiisa laga sheekeeyey oo intii aan ka aqaannay lagu sheegay, anna aan uga soo joogay wax badan oo wanaag ah  Ilaahay ha u naxariisto, innagana Ilaahay ha inooga daba naxariisto, qoyskiisiina Ilaahay wax khayr qaba halkiisii ha usoo geliyo.”

 

Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-weyne), ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland, waxana uu xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq