Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay Ururka Xeeldheerayaasha Caafimaadka Ee Saha

0
473

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay Ururka Xeeldheerayaasha Caafimaadka Ee Saha.

Hargeys-29-06-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay ururka SAHA (Somalilander American Health Association) oo ay ku midoobeen muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xeeldheer arrimaha caafimaadka, kuwaas oo ku dhaqan carriga Maraykanka.

Munaasibaddan oo lagu soo bandhigayey muhiimadda ay kooxdan dhakhaatiirta ahi ugu fadhiyaan guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaataan xaaladaha caafimaad ee dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirka horumarinta caafimaadka, dhakhaatiirta xubnaha ka ah ururka SAHA, madax katirsan Jaamacadaha dalka, dhakhaatiir madax bannaan iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas lagu faah-faahiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ururkani dadka u hayo iyo waxyaabaha ay doonayaan inay mustaqbalka dalkooda u qabtaan.

Ugu horrayn Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Madar iyo Dr. Maxamuud Daahir Afq-qarshe oo katirsan ururka SAHA oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ururku ka kooban yahay dhakhaatiir mutaddawiciin ah oo si iskood ah isugu abaabulay inay bulshadooda wax kala qabtaan dhinaca caafimaadka, muruqooda iyo maalkoodana kaga qaybqaadanayaan sidii iyo talo iyo tusaaleba u siin lahaayeen qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa isaguna bogaadiyey ururka SAHA, isaga oo sheegay in ururkani wax badan la qabtay wasaaradda, islamarkaana kaalin weyn ka ciyaareen caawinta iyo la tacaalista bulshadii uu asiibay cudurka COVID-19, waqtiganna ay jiraan mashaariic muhiim u ah wasaaradda iyo bahda caafimaadka oo ay ururkani gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gabagabeeyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay ururka dhakhaatiirta reer Somaliland ee ku dhaqan carriga maraykanka ee SAHA, waxana uu tilmaamay inay guteen waajib saarnaa oo ay ku gacan qabanayaan dadkooda iyo dalkoodaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu la dardaarmay xubnaha dhakhaatiirta ah ee ku bahoobay ururka SAHA, waxana uu ka codsaday inay sii wadaan dedaalka ay dalkooda ku caawinayaan, bulshadoodana ku caawinayaan, waxana uu yidhi,“Waxan ka rejaynayaa inay ururkaa sii xoojiyaan, halgankaa ay ugu jiraan inay dalkooda wax taraaan oo aqoontooda uga faa’iideeyaanna sii wadaan, qarankiinnuna wuu idiin ogyahay oo wuu idiinka mahadnaqayaaye sii wada oo hawshaas inoo sii ballaadhiya.”

Wa-bilaahi Tawfiiq