Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xus Ballaadhan Oo Loo Sameeyey 37-Guurada Kasoo Wareegtay Maalinta Shuhadada SNM + Sawiro

0
450

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xus Ballaadhan Oo Loo Sameeyey 37-Guurada Kasoo Wareegtay Maalinta Shuhadada SNM

 

Hargeysa-17-10-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 37-guurada kasoo wareegtay maalinta  shuhadada SNM oo sannad walba dalka laga xuso.

 

Munaasibaddan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen hormuudka jimciyadda mujaahidiinta SOOYAAL, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal katirsan ciidamada kala duwan ee dalka, qaar kamid ah saraakiishii iyo dagaalyahannadii katirsanaa ururkii SNM, ururro katirsan haweenka qaranka ee Now iyo marti-sharaf kala duwan, waxana halkaas lagu soo bandhigay taariikhdii milgaha lahayd ee shuhadadii ururkii SNM iyo hayaankii dheeraa ee ay usoo mareen in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu noqdo mid xor ah oo Dimuqraaddi ah.

 

Ugu horrayn guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta  SOOYAAL Mudane, Cabdirisaaq Jaamac Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay  muhiimadda ay leedahay maalinta shuhadada SNM, waxana uu tilmaamay in midhihii mujaahidiintu dhaleen dawladnimo iyo xasillooni buuxda oo ay Somaliland hanatay.

 

Xubno kala duwan oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka jimciyadda SOOYAAL, Mujaahid Yuusuf Maydal Cumar, Xildhibaan hore Mujaahid Axmed Xasan Aadan Waysacadde iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda horumarinta xannaanada Xoolaha, Marwo Yurub Abiib Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda si waafi ah u sharraxay taariikhda ururkii SNM iyo halgankii qadhaadhaa ee lasoo maray, waxana ay tilmaameen in bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogtaba mujaahidiintaas u hayaan xurmo iyo ixtiraam buuxa, abaalkoodiina ay maanka iyo maskaxdaba ku hayaan.

 

Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Biyaha, iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) iyo Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, ayaa iyaguna dhankooda xusay in Taariikhda SNM tahay mid mudan in la xuso halgankii dalka loosoo maray, jiilalka dambena loo gudbiyo wixii lasoo maray dalka iyo halgankii qaranka Somaliland lagu xoreeyey.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horrayn u duceeyey mujaahdiintii dhiiggooda, naftooda iyo maalkoodaba u huray qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, loona baahan yahay in taariikhdooda meel walba laga sheego.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in dagaalkii lagaga hortegay macangeggii Siyaad Barre uu ahaa mid Soomaali oo dhammi ka siman tahay, islamarkaana ay maanta dhammaan dadka Somaliland ku nooli  si siman loo dheefsanayo midhihii ay SNM keentay, waxana uu yidhi, “Dadka Somaliland maagaya ee doonaya inay taariikhda lumiyaan ee doonaya inaanay Soomaliland hore u socon oo ay iyadu murantaa had iyo goor waxay yidhaahdaan Beel dhexaa wax wadata, haddana guddoomiyaha maanta ee jimciyadda SOOYAAL ee 1987-kii lugtu go’day  ma aha beesha dhexe ee waa nin reer Jig-jiga ah, dagaalkaasna Soomaaliyi way u dhammayd.”

 

Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey in shacabka loo baahan yahay inay dalkooda dib u dhistaan, mustaqbalkoodana ku dhaabadeeyaan taariikhdii shuhadada iyo halgamayaashii xorriyadda keenay, “Waxa inala gudboon inaynu ku talogalno wixii dhacay kasoo kabashadooda iyo horumarka mustaqbalkeenna inaynu ku dhisno dhiigga shuhadada faraha badan ee taariikhda dheer leh ee dalkan usoo halgantay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa Bilaahi Tawfiiq