Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaygalay Xuska Sannad-Guurada 32-Aad Ee Munaasibadda 18-Ka May

0
236

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaygalay Xuska Sannad-Guurada 32-Aad Ee Munaasibadda 18-Ka May.

 

Hargeysa-18-05-2023-(MT-JSL )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad heer Qaran ah oo lagu xusayey munaasibadda 18-ka May ee sannad-guurada 32-aad ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

 

Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu qabtay fagaaraha caasimadda Hargeysa ee lagu xuso munaasibadda 18-ka May, islamarkaana ay madaxweynaha kala qaybgaleen madaxweyne-kux-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-kuxigeenka golaha wakiillada, Madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo ka socday dalalka deriska iyo waddamada ay Somaliland saaxiibka yihiin iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana fagaaraha lagu soo bandhigay cudud ciidan iyo saanad militeri oo Qarankani leeyahay, iyada oo hay’adaha wax soo saar ee dalka, degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.

 

Ciidamada kala duwan ee dalka sida militeriga, Kamaandoosta, Asluubta, ilaalada Xeebaha, Laanta socdaalka iyo Booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaas oo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha Qaranku, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale oo muhiim u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Intaas kaddib, maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa kelmed kooban ka jeediyey munaasibadda, waxana uu shacabka ku hambalyeeyey maalinta Qaran ee 18-ka May oo ku weyn quluubta shacabka reer Somaliland.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey bulshada reer Somaliland ee dabbaaldegga ugu jirta maalinta Qaran, waxana uu ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan ee dalka iyo shacabka oo uu ugu hambalyeeyey maalinta Qaran ee 18-ka May  oo maalintii dalkani xorriyaddiisa dib ula soo noqday.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag uga hadlay gardarrada joogtada ah ee maamulka Puntland ku hay xuduudaha Qaranka Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay Qaran ahaan cidna ka aqbalayn in taako ciiddiisa kamid ah cidi gardarro kusoo doonato, islamarkaana ay difaaci doonaan, waxana uu yidhi,“Sababta shantii Soomaaliyeed mid kasta  halkiisii maanta loogu ixtiraamayo ee Somaliland xadkeeda qudha ay Puntland iyo reerka deggeni  ugu soo riyoodeen qayb kamid ah Somaliland baannu goosanaynaa oo aannu hab qabali ah u goosanaynaynaa waa wax iga dhaadhici la’.  Ama shanta Soomaaliyeed xuduudahoodu way wada burburi, haddii ay Somaliland oo qudha tahayna waannu difaacaynaa inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed ku jiro Abkuu doono ha sheegtee.”

 

Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu dagaalka difaaca ahi sii socon doono inta cadowgu docodocaynta wado, “Ragga dheel dheelayow dagaalku wuu soconayaa  ilaa iyo taako Somaliland ah cadowgu ku jiro, intuu doonaba ha qaato’e dalkana waanu xoraynaynaa, ninna dulmiyi mayno, ninna ku xad-gudbi maynno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Doorashooyinka dalka kusoo foolka leh iyo sida uu ugu diyaarka yahay, waxana uu digniin u diray cid kasta oo aaminsan in beesha caalamku farogelin ku samayso doorashooyinka Somaliland habka Dimuqraaddiga ah uga dhaca, waxana uu yidhi,“Anigu halkan doorasho iyo wixii shacabku oggolaadeen iyo sharciyad baan ku joogayaa, ka iga dambeeyaana intaas buu ku joogayaa, kuwii naga horreeyeyna sunno wacan bay inoo jeexeen, waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyinkii, beesha caalamkuna doorashooyinkayaga soo farogelin mayso, kamana taliso oo sharcigayaga ma farogeliso, ninka u qayshadaana waa nacas.”

 

Wa-bilaahi Tawfiiq