Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kormeeray Xarunta Shaybaadhka Cuntada Iyo Dawooyinka Ee Hay’adda Dhawrista Tayada

0
430

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kormeeray Xarunta Shaybaadhka Cuntada Iyo Dawooyinka Ee Hay’adda Dhawrista Tayada

 

Berbera-23-12-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa oo safar shaqo ku jooga magaalo xeebeedka Berbera, ayaa maanta kormeeray dhisme cusub oo lagu shaybaadhi doono cuntooyinka iyo daawooyinka dalka soo gelaya, kaas oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Berbera.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo, ayaa mid mid u galay qolalka kala duwan ee uu ka kooban yahay xarunta Shaybaadhka qaranka ee ay hirgelisay hay’adda dhawrista tayadu, waxana halkaas kusoo dhaweeyey madaxda kala duwan iyo shaqaalaha hay’adda.

 

Kormeerka Dhismeyaashan cusub ee loogu talo galay shaybaadhka oo laga maalgeliyey cashuurta qaranka, ayaa waxa ugu horrayn madaxweynaha uga warbixiyey guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xasan Yuusuf, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismeyaasha cusub iyo sida ay Meesha uga saarayso baahidii shaybaadh ee qaranka, isaga oo madaxweynaha qaranka iyo wasiirkiisa maaliyaddaba uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay ugu hagar baxeen in dhismahan oo shaybaadh casri ah ku qalabaysan uu qaranku yeesho.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dhismaha casriga ah iyo agabka lagu qalabaynayoba laga maalgeliyey cashuurta muwaaddiniinta, isaga oo intaas ku daray in dalku u jihaystay waddadii isku filnaanshaha iyo inuu wixii awooddiisa ah qabsado oo aanu cid kale wax ka sugin.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey madasha kormeerka, ayaa bogaadiyey madaxda hay’adda dhawrista tayada, waxana uu ku adkeeyey inay sii wadaan horumarka iyo ka midho-dhalinta himilada guud ee qaranka, isaga oo si guud bulshada ugu baaqay inay u hagar baxaan dhismaha dalkooda.

 

Dhismaha casriga ah oo xarun u noqon doona shaybaadhka qaranka ee cuntooyinka iyo daawooyinka, ayaa waxa hor u dhagax-dhigay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana uu kamid yahay dhismeyaasha kala duwan ee ay dalka ka hirgelisay xukuumadda uu hoggaaminayaa.

Wa-bilaahi Tawfiiq