Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Afur Iyo Casho Ah La Qaatay Culimada Kala Duwan Ee Dalka Hargeysa-19-04-2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan ballaadhan oo Afur iyo casho isugu jira u sameeyey culimo’awdiinka kala duwan ee dalka, kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka Dalka. Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayaan madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyeyaasha ciidamada dalka, agaasimeyaal guud, culimada kala duwan ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, islamarkaana ah mid sannadleh ah, ayey ujeeddadiisu tahay is-xogwaraysi, kala qaadashada wixii talo iyo tusaale ah iyo duco caam ah oo ay culimadu ugu duceeyaan dadka iyo dalka. Ugu horrayn wasiirkii hore ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo halkaas ka hadlay, ayaa gebi ahaanba u dceeyey dadka iyo dalka, isaga oo bulshadana ugu baaqay inay ilaashadaan wada-jirkooda, midnimadooda iyo qarannimadoodaba. Sheekhal beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali-jowhar iyo Dr. Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame oo kamid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey kulanka sannadlaha ee uu culimada la qaato iyo sida uu u qaddariyo culimada, talooyinkoodana ugu heellan yahay, waxana ay ballan qaadeen inay culimo ahaan diyaar u yihiin inay madaxweynaha iyo dawladdaba la shaqeeyaan. Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay munaasibadda uu ku sharfayo culimada dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in gole ahaan go’aamadooda saldhig uga dhigaan talooyinka culimada dalka. Guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, waxa uu sheegay in culimadu yihiin awood weyn oo qayb ka qaadan karta wacyigelinta bulshada toosintooda iyo talo siintoodaba, dedaalladoodana dadku u xiiso qabaan. Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhankiisa culimada ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaallada kala duwan ee xukuumaddu dalka ku horumarinayso, bulshadana ku waaniyaan isku duubni, midnimo iyo wada-shaqayn. Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somalilland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, ayaa bogaadiyey kulanka sannadlaha ee uu madaxweynuhu la qaato culimada iyo sida uu ugu dhego nugul yahay talooyinkoodaba, isaga oo ku dheeraaday kaalinta ay culimadu kaga jiraan fidinta diinta Islaamka, la dagaallanka xumaanta, wacyigelinta bulshada iyo sixidda afkaarta qaldan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada dalka, waxana uu ku tilmaamay astaan diimeed oo haybad iyo karaamo diineed huwan, islamarkaana uu madaxweyne ahaan uu qaddarin iyo Sharaf weyn u hayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Qiimaha ay culimadu ku leedahay dalka iyo bulshadu waa mid weyn oo waa dhaxalkii Ambiyada, waxana aan raacsanahay fikradda ah Diintu waa Asal, dawladda iyo shacabkuna waa Ilaaliyaan, sidaas darteed qiimaha ay culimadu leeyihiin baan kusoo dhaweynayaa, waanan ku qaddarinayaa.” Madaxweynuhu waxa uu culimada ugu baaqay inay bulshada ka waaniyaan cid kasta oo fikir qalloocan iyo fidmo faafinaysa, waqtina geliyaan midnimada bulshada, adkaynta ammaanka iyo ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Wa-bilaahi Tawfiiq

0
482

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Afur Iyo Casho Ah La Qaatay Culimada Kala Duwan Ee Dalka

 

Hargeysa-19-04-2022(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan ballaadhan oo Afur iyo casho isugu jira u sameeyey culimo’awdiinka kala duwan ee dalka, kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayaan madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyeyaasha ciidamada dalka, agaasimeyaal guud, culimada kala duwan ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, islamarkaana ah mid sannadleh ah, ayey ujeeddadiisu tahay is-xogwaraysi, kala qaadashada wixii talo iyo tusaale ah iyo duco caam ah oo ay culimadu ugu duceeyaan dadka iyo dalka.

Ugu horrayn wasiirkii hore ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo halkaas ka hadlay, ayaa gebi ahaanba u dceeyey dadka iyo dalka, isaga oo bulshadana ugu baaqay inay ilaashadaan wada-jirkooda, midnimadooda iyo qarannimadoodaba.

Sheekhal beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali-jowhar iyo Dr. Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame oo kamid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey kulanka sannadlaha ee uu culimada la qaato iyo sida uu u qaddariyo culimada, talooyinkoodana ugu heellan yahay, waxana ay ballan qaadeen inay culimo ahaan diyaar u yihiin inay madaxweynaha iyo dawladdaba la shaqeeyaan.

 Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay munaasibadda uu ku sharfayo culimada dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in gole ahaan go’aamadooda saldhig uga dhigaan talooyinka culimada dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, waxa uu sheegay in culimadu yihiin awood weyn oo qayb ka qaadan karta wacyigelinta bulshada toosintooda iyo talo siintoodaba, dedaalladoodana dadku u xiiso qabaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhankiisa culimada ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaallada kala duwan ee xukuumaddu dalka ku horumarinayso, bulshadana ku waaniyaan isku duubni, midnimo iyo wada-shaqayn.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somalilland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, ayaa bogaadiyey kulanka sannadlaha ee uu madaxweynuhu la qaato  culimada iyo  sida uu ugu dhego nugul yahay talooyinkoodaba, isaga oo ku dheeraaday kaalinta ay culimadu  kaga jiraan fidinta diinta Islaamka, la dagaallanka xumaanta, wacyigelinta bulshada iyo sixidda afkaarta qaldan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada dalka, waxana uu ku tilmaamay astaan diimeed oo haybad iyo karaamo diineed huwan, islamarkaana uu madaxweyne ahaan uu qaddarin iyo Sharaf weyn u hayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Qiimaha ay culimadu ku leedahay  dalka iyo bulshadu waa mid weyn oo waa dhaxalkii Ambiyada, waxana aan raacsanahay fikradda ah Diintu waa Asal, dawladda iyo shacabkuna waa Ilaaliyaan, sidaas darteed qiimaha ay culimadu leeyihiin baan kusoo dhaweynayaa, waanan ku qaddarinayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu culimada ugu baaqay inay bulshada ka waaniyaan cid kasta oo fikir qalloocan iyo fidmo faafinaysa, waqtina geliyaan midnimada bulshada, adkaynta ammaanka iyo ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 Wa-bilaahi Tawfiiq