Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobollada Dalka

0
755

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobollada Dalka

Hargeysa:27-06-2018(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda maxkamadaha gobollada dalka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba guddoomiyayaasha maxkamadaha gobollada dalka ee heer rafcaan, heer gobol iyo heer degmo, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa hawlaha garsoor ee dalka, isla markaana meesha looga saari lahaa dhammaanba caqabadaha kala duwan ee ku gedaaman waaxda garsoorka qaranka.

Ugu horrayn, xubnaha guddoomiyayaasha maxkamadaha gobollada dalku waxa ay madaxweynaha la wadaageen halka ay hashu u marayso, iyaga oo sharraxaad dheer ka bixiyey guulaha uu gaadhay garsoorka dalku, meelaha u baahan taageerada madaxweynaha iyo caqabadaha u mudan in wax laga qabto, sida dhismeyaasha iyo gaadiidka.

Sidoo kale, waxa ay madaxda garsoorku madaxweynaha ka codsadeen inuu ka hawlgalo sidii loo fulin lahaa dacwadaha dhammaaday, si ay muwaadiniintu caddaalad siman u helaan, loona sugo ammaanka iyo nabadda guud ee qaranka.

Waxyaabaha kale ee ay hoggaanka maxkamadaha kala duwan ee gobollada dalku madaxweynaha la wadaageen, ayaa waxa kamid ahaa isbeddelka muuqda ee dhinaca garsoorka dalka ka hirgalay iyo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa, iyaga hoosta ka xarriiqay inay haystaan madax-bannaani buuxda.

Dhinaciisa madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu madaxda maxkamadaha dalka ku hambalyeeyey hawsha adag ee ay qaranka u hayaan, isaga oo ka garaabay dhammaanba caqabadaha ay madaxda maxkamadaha gobollada dalku soo bandhigeen, waxana uu ballan qaaday inuu diyaar u yahay sidii meesha looga saari lahaa caqabadahaas, iyada oo gacmaha la is wada haysto.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoggaanka maxkamadaha gobollada dalka u ballan qaaday inuu si buuxda u garab taagan yahay waaxda garsoor ee dalka, isla markaana ay madaxweyne ahaan ka go’an tahay fulinta dacwadaha garnaqoodu dhammaaday oo uu sheegay inay guud ahaanba sumcadda iyo amniga qaranka muhiim u yihiin.

Ugu dambayntii waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday jawi deggen, waxana uu madaxweynuhu hoggaanka garsoorka ka codsaday inay caddaaladda iyo sinnaanta muwaadiniinta mar walba halbeeg ka dhigtaan, si loo dhawro wada-jirka horumarka bulshada.