Washington DC-14-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Kulanka la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka kala socday, wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanka, hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee u qaabilsan Maraykanka (USAID), iyo Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.
Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta iyo dardar-gelinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarka ee danta u ah labada dhinac.
Warbaahinta Madaxtooyada JSL



