Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Mudeeyey Wakhtiga loo dareerayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland

0
524

 

XEER MADAXWEYNE: 04 /11/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.

Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020

 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha

Markaan Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;    

 

Markaan Arkay:              Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;

 

Markaan Tix-geliyey:       Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/20;

 

Markaan Dersay:             Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;

 

 

                                    Waxaan Go’aamiyey;

 

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.