Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo qaabiley Safiirka Faransiiska U Fadhiya Dalka Kiiniya

0
449

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo qaabiley Safiirka Faransiiska U Fadhiya Dalka Kiiniya.

 

Hargeysa-22-06-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu galabta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dawladda Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Amb. Aline KUSTER-MENAGER iyo wefti ay hoggaaminayso oo safar shaqo ku jooga dalka.

 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimi.  Kulankaasina wuxuu ku soo dhamaaday Isfahan iyo wadashaqayn.

 

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca Weftigana waxa ku wehelinaayey Safiirka, La-taliyaha Siyaasada, Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha Gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Gobolka Bariga Afrika, Caroline ABT iyo Mr MENAGER.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.