Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Shirkadda DP World

0
388

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Shirkadda DP World.

 

Hargeysa-03-12-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna.

 

Kulankaa waxa lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo la xidhiidha mashaariicda ay DP World ka wado Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, iyadoo diirada lagu saaray dhamaystirka dhismaha qaybta koowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Free Zone) oo lagu wado in bishan December aakhirkeeda la dhammaystiro, iyadoo uu ku xigi doono hawsha fulinta wejiga labaad.

 

Sidoo kale waxa xusid mudan in ay jiraan Shirkado badan (Companies) kala duwan oo isugu jira Ajaanib iyo kuwo ay dad-muwaadiniin ahi leeyihiin oo isu-diiwaangeliyey sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen una soo degi lahaayeen Aaga Cashuuraha ka Caagan, si ay qayb uga noqdaan horumarka kobaca dhaqaalaha Somaliland.

 

Maamulka, Bariga Dhexe iyo Afrikana waxa uu madaxweynaha warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay Dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika.

 

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uga mahadnaqay shirkada DP World dedaalka ay muujiyeen intii ay gacanta ku haysay mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.