Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Saaka Ka Qeyb-galay Aaska Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Jaamac Rooble Xirsi (Jaamac Birqaab)

0
342

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Saaka Ka Qeyb-galay Aaska Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Jaamac Rooble Xirsi (Jaamac Birqaab)

 

24-10-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qeyb-galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Rooble Xirsi (Jaamac Birqaab) oo kamid ahaa Ganacsatada iyo waxgaradka Somaliland oo 17-10-2022 ku geeriyooday Dalka UK, isla markaana saaka lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga Caasimadda Somaliland ee Hargeisa.

 

Ugu horaynba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyey Saddex Marxuum oo ku kulmay laguna aasay Xabaalaha Baqiic, kuwaasi oo uu Marxuum Jaamac Rooble Xirsi ka mid ahaa  waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Marxuumiintaa dhintay ee Jaaamac ka mid yahay dhammaantood Alle how naxariisto qoyskoodiina Samir iyo Iimaan Alle haka siiyo iyagana halkoodii cawil kheyr qaba Alle haw keeno, Danbigooda Alle ha dhaafo kii Muslimiintana Alle ha dhaafo”.

 

Madaxweynaha ayaa Marxuum Jaamac Rooble Xirsi (Jaamac Birqaab ku sifeeyey inuu ahaa adddoon wanaagsan oo ku barbaaray Diinta Islaamka waxaana ka mid ahaa hadalada madaxweynaha “Jaamac Alle how naxariisto wuxuu ahaa nin fiican oo marka horena kusoo koray Cilmi diineed oo dhalinyaradii Diinta bartay ka mid ahaa ee ku dhaqmi jiray Diinta aadka u yaqiinay ee ku ad-adkaa, markii danbena dhalinyaradii xagga hal-abuurka iyo ganacsiga leh buu ahaa, Laba qodob oo waa weyn baa lagu xasuusan doonaa mid waa Hal-abuurka, marwalba mashruuc wanaaga, samafal ah ama dhaqaale, ku fekerkiisa ka keeni jiray, hawlo badan oo uu isagu bilaabay baa jira qaranka oo socda, waxaa kale uu awood u lahaa xidhiidhka Bani-aadamka isku xidhka dadkuu aad u yaqaanay, markaa Ilaahay wuxuu siiyey awood fara badan xidhiidhka dadweynaha ah, Ilaahay how  naxariisto qoyskiisa samir iyo iimaan haka siiyo waan ka tacsiyadaynaynaa ummadda oo dhan innagana Ilaahay haynooga daba naxariisto, Abaaraha alle haynaga jebiyo, Dad iyo dalkaba Alle hayna barakeeyo, Colaad, Cudur iyo Aafaba Alle haynaga nabad geliyo”.

Wa-bilaahi Tawfiiq