Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

0
466

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee RamadaanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

Hargeysa-12 /04/2021-(MT-JSL)-Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan shucuubta Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa kaw ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ummadda  Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo  khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, Ilaahayna waxa uu ka baryayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka saameeyey iyo abaaraha soo noq-noqday, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna waxa uu alle uga baryayaa inuu bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa, Allena wuxuu uga baryayaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka  bishan barakaysan ee Ramadaan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay  inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka.

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa inta bukta ee u jiifta xanuunada inuu eebbe ka dulqaado, intii dhimatay ee aan soo gaadhin bishan barakaysana u danbi dhaafo, una naxariisto. Waxaanu madaxweynuhu rabbi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

ALLAA MAHAD LEH

 Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.