Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.

0
334

HAMBALYO MADAXWEYNE:  0807/2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka  Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1443-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbi weynaha in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.

Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.