Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shacbiga iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Siyaasi Xasan Mowliid Axmed tacsi u diray

0
583
TACSI MADAXWEYNE: 05/01/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Mowliid Axmed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05/01/2022, Cusbitaalka guud ee caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday siyaasi ah oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilal ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii AHU Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo safiirka dalalka France iyo Jabuuti oo uu ahaa wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu marxuumku qarankiisa ugu soo shaqeeyey.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.