Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shirguddoomiyey Shirka Guddida Fulinta KULMIYE oo qodobbo muhiim ahi ka soo baxeen.

0
202

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shirguddoomiyey Shirka Guddida Fulinta KULMIYE oo qodobbo muhiim ahi ka soo baxeen.

 

Hargeysa-26-07-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shir-guddoomiyey shirka guddida fulinta ee xisbiga oo maanta ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga.

 

 

Shirkan guddida fulinta, ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray arrimo kala duwan oo hawlaha xisbiga horyaalla, kuwa dalka ka jira iyo kuwa mandaqaddaba ku saabsan, iyada oo  hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shacabku gacmaha isu qabsadaan ilaalinta amniga, wada-jirna loogaga hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida.

 

 

Markii uu shirku soo dhammaaday waxa nuxurkii shirka iyo qodobbadii kasoo baxayba warbaahinta u sharraxay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxana kamid ahaa qodobbada kasoo baxay kuwan hoos ku qoran:

 

  • In 20-ka bisha August ee sannadkan 2023-ka uu magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

 

  • In xisbigu u diyaargaroobayo qabsoomidda labada doorasho ururrada iyo madaxtooyada ee uu waqtigooda muddeeyey komishanka doorashooyinka qaranku, si buuxdana u taageersan yahay go’aankaas.

 

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu farriin u diray xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE in bilowga bisha Siddeed ay soo doontaan kaadhadhkooda ay kaga qaybgelayaan shirka golaha dhexe ee waqtigiisa ay maanta muddeeyeen xubnaha guddida fulinta ee xisbigu.

 

Taageeryaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayuu guddoomiye-ku-xigeenka xisbigu ugu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, maaddaama oo dalku u cagta saarayo jidkii doorashooyinka.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq