Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Ka Taagan Xamar, Sidoo Kalena Farriin U Diray Shacabka Soomaaliya.

0
410

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Ka Taagan Xamar, Sidoo Kalena Farriin U Diray Shacabka Soomaaliya.

Berbera-28-04-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa si waafi ah uga hadlay qalalaasaha iyo fadqalallada ka taagan dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Xamar.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan iyo qaran ahaanba ka damqanayaan dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay is hayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha diiddan qarannimada Somaliland, waxana uu yidhi, “Dawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wato, waxa uu intaas ku daray “Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

Shacabka ku dhaqan Soomaaliya, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxana uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen ay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba u dulqaadanaysay, “Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey, shicib ahaanna waxan idiin sheegayaa inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Wa-bilaahi Tawfiiq