Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Tacsi u diray Bahda Garsoorka somaliland iyo Eheladii uu ka baxay Sh Cali Cabdi Guuleed oo Hargeysa ku Geeriyooday

0
271

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Tacsi u diray Bahda Garsoorka somaliland iyo Eheladii uu ka baxay Sh Cali Cabdi Guuleed oo Hargeysa ku Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE: 02/07/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda garsoorka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Cabdi Guuleed (Qaxar) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/07/2022, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey muwaadin u soo shaqeeyey qarankiisa, tacab iyo horumar badana geliyey garsoorka Dalka, isagoo ahaa garsoorihii hore ee Maxkamada sare ee Dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda garsoorka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.