Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo tacsi u diray Qaranka Somaliland iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare) oo ku geeriyooday Hargeysa

0
448
TACSI MADAXWEYNE: 08/11/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare) oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 08/11/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay qaranka Somaliland, xukuumadii Madaxweyne AHU Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ah wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo wasiirka Gashaandhiga, waxa kale oo uu ahaa saraakiishii lagu aas aasay ciidanka Booliska Somaliland, markii aynu la soo noqonay Xornimadeena, doormuhiimana waxa uu ku lahaa nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan iyo dib u dhiskii dalka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa dadka ay ku dheertahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.