This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wareegto Madaxweyne ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.

Wareegto Madaxweyne: 18/09/2021   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.   Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne   MAGACAABID   Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;   Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr.…

President Bihi Makes Major Government Reshuffle
Wareegto Madaxweyne: 18/09/2021
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
 
MAGACAABID
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
 
Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;
 
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;
 
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Waxaan Go’aamiyey;
 
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
 
1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye.
 
2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.
 
3. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.
 
4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.
 
5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.
 
6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.
 
7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland