Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda

0
711
Wareegto Madaxweyne: 11/09/2021
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Wareegto Madaxweyne
 
 
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
 
Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd
 
Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag
 
Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;
Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe
 
Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,
Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone
 
Ku: Abiib Xaamud Jibriil,
Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera
 
Mudane,
 
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.
 
 
UJEEDDO: MAGACAABID
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
 
 
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
 
 
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
 
 
Markaan Sameeyey: La-tashi;
 
Waxaan Go’aamiyey;
 
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
 
 
Tir Magaca Xilka
1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
 
2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.
 
3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
 
4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
 
5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
 
6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.
 
7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.
 
8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.
 
9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland