Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhig-ka-jaris Iyo Kormeer ku Sameeyey Mashaariic Xukuumaddu Ka Hirgelisay Gudaha Ceerigaabo

0
425

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhig-ka-jaris Iyo Kormeer ku Sameeyey Mashaariic Xukuumaddu Ka Hirgelisay Gudaha Ceerigaabo.

 

Ceerigaabo-14-06-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo maalintii saddaax ku jooga gobolka Sanaag, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo ay xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha, ayaa xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo  ay kamid yihiin xeer ilaalinta gobolka iyo  maxkamadda gobolka oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, dib-u-habaynna lagu sameeyey, Dhismaha xarun ballaadhan oo loo bineeyey ciidanka Birmadka iyo laba saldhig oo cusub oo loogu talo galay ciidamada Booliska ee ka hawlgala gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta goobaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey muhiimadda ay qaranka u leeyihiin dhismeyaashani iyo kaalinta ay xukuumaddu ka qaadatay hirgelintooda, waxana ay ku ammaaneen madaxweynaha sida uu hagar baxay sidii ay dhismeyaashaasi u dhammaystirmii lahaayeen.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeeray dhisme cusub oo dhawaan loo hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee ciidanka qaranka iyo jaamacadda dawladda ee Sanaag University oo waxbarashadeedu si habsi leh u socotay, waxana uu kulamo la qaatay, warbiximona ka dhegaystay maamulka jaamacadda, kuwaas oo madaxweynaha uga mahadnaqay  sida uu ugu hagarbaxay inay jaamacaddu noqoto mid dhamaystiran oo wax kastaaba u dhammaystiran yihiin, isaga oo mid mid u galay fasallada jaamacadda oo ay waxbarashadu ka socoto.

Guddoomiyaha jaamacadda Sanaag University, Mudane Cali Cabdi Hurre oo halkaas kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida uu garab istaagay baahiyaheeda kala duwan, waxana uu caddeeyey in tirada ardayda jaamacadda dhigataa marba marka ka dambaysa sii kordhayso.

Jaamacadda kale ee Daalo ee magaalada Ceerigaabo oo dhismaheedu gebgebo marayo, islamarkaana ah waqfi uu muwaaddin gobolka kasoo jeedaa ku deeqay, ayuu madaxweynuhu kormeeray, waxana uu halkaas kula kulmay maamulka gacanta ku haya, kuwaas oo sharraxay halka dhismuhu marayo iyo sida ay wax uga tari doonto baahida waxbarasho ee gobolka ka jirta.

Madaxweynaha iyo wefti culus oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag, ayaa hawlo shaqo ku gudo jira oo ay kamid yihiin kuwan maanta xadhig-ka-jarista iyo kormeerka lagu sameeyey.

Wa-bilaahi Tawfiiq