Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacbiga Somaliland Ku Hambalyeynayaa Xuska 33 Guurrada Gudo-galkii SNM Ee Burco

0
405

Hambalyo Madaxweyne: 26/05/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacbiga Somaliland Ku Hambalyeynayaa Xuska 33 Guurrada Gudo-galkii SNM Ee Burco

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maalintii labaad ku sugan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga weynaha Somaliland, gaar ahaan shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 27-May-1988-kii oo ku beegan berri oo laga joogo 33 sanno guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ee qaybtii bari ay soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen ciidan cudud iyo awood badan oo ka tirsanaa xukuumaddii ama taliskii macangegga ahaa ee Siyaad Barre.

Waxaanu madaxweynuhu xusay in mujaahidiintii SNM ee soo galay gudaha magaalada Burco, naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna aanay isu dhigmin, iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa inay u shahiidaan xoraynta dalkooda iyo dadkooda, kana dhiidhiyay gumaadka iyo xasuuqa lagu hayay dadkooda oo xilligaa la xarayn jiray labada duhurnimo, wakhtigaa wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto in la bireeyo.

Isagoo madaxweynuhu dareensan qiimaha maalintaasi iyo maalmaha la midka ahi u leedahay shacbiga Somaliland diwaankana ay ugu jirto in Maalintaasi ay ka mid tahay maalmaha bulshada reer Somaliland ku weyn ee taariikhiga ah, kana mid ah maalmihii halganka dib u xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorooba, maalintan iyo maalmo kale oo la mid ahna ay ka dhasheen suugaan taariikhda gashay oo ay curiyeen hal-abuurka reer Somaliland ah oo maalintaa halganka ku jiray ama goob-joogba u ahaa.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa Mujaahidiinta iyo Shacbiga Somaliland Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 31-kii-May-1988-kii oo laga joogo 33 sanno oo ku beegan guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ay soo galeen magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa oo madaxweynuhu uu u soo hormariyey madaama maalintaasi dalka oo dhan looga dareerayo doorashada wakiilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu u Ducaynayaa Dhammaan Mujaahidiintii SNM ee ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreeyey 27-31 MAY 1988-kii oo sababay in gobannimada Somaliland lagu waraabiyey dhiig, una le’deen Geesiyaal, una agoomoobeen ubad badan oo maanta guranaaya midhihii waalidkood u naf waayeen oo maanta sababay in aynu xornimo ugu dabbaal-degno innagoo marayna nidaamka doorashooyinka xisbiyada badan ee Somaliland ka hana qaaday.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL