Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, Dhammaan Dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran, Bahda Caafimaadka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland

0
375
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, Dhammaan Dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran, Bahda Caafimaadka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland
TACSI MADAXWEYNE: 11/07/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Dhammaan Dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran, Bahda Caafimaadka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-
 
1. Faysal Muxumed Muuse
2. Cabdisalaan Cismaan Cabdilaahi
3. Axmed Maxamed Xasan
 
Dhallinyaradaas oo ku geeriyooday maalin-nimadii Ciidda, taariikhdu ahayd 09/07/2022, Duleedka Kantaroolka Galbeed ee Hargeysa shil baabuur, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo sababay dhimashada saddexda wiil iyo hal qof oo dhaawac ah oo uu isna madaxweynuhu u ducaynayo in Alle u boogo dhayo.
 
 
Saddexda marxuum oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo aflaxday Barnaamijka shaqo Qaran, wakhtiganna ka mid ahaa hawl-wadeennada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayuu Madaxweynuhu ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Dhammaan Dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran, Bahda Caafimaadka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.