Madaxweynaha Jsl Oo Faah-Faahiyey U Diyaar-Garowga Xukuumadda Ee Caabuqa Korona Fayras (Coronavirus), Bulshadana U Diray Farriimo Ay Isku Badbaadin Karaan + Sawiro

0
794

Madaxweynaha Jsl Oo Faah-Faahiyey U Diyaar-Garowga Xukuumadda Ee Caabuqa Korona Fayras (Coronavirus), Bulshadana U Diray Farriimo Ay Isku Badbaadin Karaan

 

Hargeysa-16-03-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer uga hadlay xanuunka saf-maareenka ah ee dunida oo dhan ku faafaya ee Corona Virus  iyo sida ay dawlad ahaan ugu diyaar garoobeen ka hortagga  iyo la tacaalista xaalad kasta oo kasoo korodha xanuunkaas adduunka saameeyey.

 

Madaxweynaha Somaliland oo maanta saxaafadda kula hadlay qasriga madaxtooyada oo ay hareero joogaan xubnaha guddida ah ee uu dhawaan u magacaabay ka hortagga Xanuunka CORONA VIRUS, ayaa ugu horrayn caddeeyey inaanu  caabuqaasi weli soo gelin Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana warbixintii ugu dambaysay ee laga keenay xuduudaha kala duwan ee dalku ay caddaynayso badqab buuxa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay inaan xanuunkan weli loo helin wax daawo ah, balse bulshada looga baahan yahay in muhiimad gaar ah la siiyo ka hortagga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Adduunka oo dhammi waxa uu isku raacay inaanu xanuunkani daawo lahayn ee laga hor tago, tallaabooyinka la yidhi hallagaga hortagona waxa ugu horreeya in meelaha lagu ururayo la daayo, caalamka oo dhan baana isku raacsan. Waxa loo baahan yahay in ka maaran waagii nolosha iyo sidii aynnu caafimaadka u ilaalinaynay in la is waafajiyo.”

 

Madaxweynuhu waxa uu si cad  u sheegay in cidda loo daba fadhiisanayo wararka la xidhiidha xanuunka CORONA VIRUS  ay tahay wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo cidda ay u igmato inay u hadasho, “Waxan ummadda Somaliland u sheegayaa inaynu maanta ku soconaynno awaamiirta wasaaradda Caafimaadka, cid kalena amar kama bixin karto oo kama warrami karto, aniga oo madaxweyne ahi waxan raacayaa amarka uu i siiyo  Dhakhtarka u hadla wasaaradda caafimaadku, wasiirku tiisa ayuu raacayaa, Jananku tiisa ayuu raacayaa, saxafigu tiisa ayuu raacayaa, ninka Baayac-mushtarka ahina tiisa ayuu raacayaa, sidaasna waxa ku jirta danteenna si aynnu u nabadgalno,”  ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sheegay inay xukuumad ahaan diyaariyeen meelo lagu karantiimeeyo dadka xanuunkan looga shakiyo ama lagu arko, islamarkaana ay khubaro caafimaad geynayaan xuduudaha kala fog ee dalka, dalalka deriska ahna kala shaqaynayaan sidii wada-jir loogaga hortegi lahaa xanuunkan, waxana uu yidhi, “Waxaynu diyaarinaynaa meelo dadka lagu karantiimeeyo lixda magaalo ee waaweynba, xadkeennana meelaa la tegi doonaa, siday u kala dad badan yihiinna waxaynnu u diri doonaa caafimaad. Waxaynnu  leenahay  Xad min Lawyacaddo ilaa iyo Boosaaso agteeda ah, xadkaasna waxaynnu kaga nabadgelaynaa oo aynnu tallaabo qaadi karnaa in dawladaha aynnu jaarka nahay la yeelanno  xidhiidh aad iyo aad u midaysan oo aynnu colkan iska wada daafacno oo ay wasaaradaha caafimaadka ee dalalka deriskuna ka midoobaan.”

 

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u diray farriin muhiim ah oo la xidhiidha siyaabaha xanuunka looga taxadari karo, si looga badbaado, “Farriinta ugu horraysa ee aan dadka ka codsanayaa in loo hoggaansanaado awaamiirta dhakhtarka, marka horena waxa la yidhi halla yareeyo meelaha lagu soo buuqo, laakiin aroosyaa jira oo xafladaa jiree intii laga maarmi karo waa in la yareeyaa, illayn waa nafteennii waxa aynnu ka hadlaynaaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Culimada Diinta ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsaday inay doorkooda la xidhiidha wacyigelinta  xanuunka saf-mareenka ka qaataan, islamarkaana bulshada si cilmiyeysan ugu sheegaan qiimaha ay diintu siisay nadaafadda iyo ka hortagga oo ah labada shay ee xanuunka lagaga badbaadi karo, waxana uu yidhi, “Culimadu warka ay dirayaan waa inuu midoobaa, dadbaa waxay yidhaahdaa cudurkani Muslimka kuma dhacee gaalada uun buu ku dhacaa, laakiin Bani’aadamku waa isku wada mid oo cudurka wuu wada qaadaa, gaal iyo Islaamna wuu ku dhacay, sina waa looga wada taxadaraye, qofna yaan lagu Aamusiinin cudurkani Muslimka kuma dhaco iyo waa ciqaabe cudurku dadka wuu wada gaadhaaye si hallaga taxadaro oo dadka taxadarka halloo wada sheego, culimaduna doorkooda haka qaadato oo caqiido ahaan nadaafadda iyo inay ka hortaggu ka wanaagsan yahay ka daba tagga ha u sheegaan.”

 

Xirfadleyaasha dhinaca warbaahinta, ayuu sidoo kale madaxweynuhu farriin gaar ah u diray, isaga oo ka codsaday in xogaha xanuunka CORONA VIRUS ka la xidhiidha ay kaliya ka qaataan dhakhaatiirta wasaaradda Caafimaadka, “Dalku ciidanka qudha ee uu haysto ee  cudurkaas wax ka qaban karaa waa saxaafadda, maanta dhammaanteen waxaynnu ka midaysannahay waa naftaadiiye  waxa ay dhakhaatiirtu inagu amraan sideeda u gudbiya oo yeynaan gelinin war aad meel kale ka maqashay iyo jariirad aad meel kale kasoo akhriday iyo dhakhtar aad la sheekaysatay wuxuu ku yidhi, wixii talo ah ee la hayona guddida halloo keeno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii  Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu dalka geliyey digtooni dhammaystiran, islamarkaana ay qaadi doonaan marka tallaabadii loo baahdo, isaga oo caddeeyey inay dawlad ahaan xidhiidhi ballaadhan la sameeyeen hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka kale ee adduunkaba, waxana uu bulshada ugu baaqay inay is kaalmeeyaan oo ay tashiishaan wixii hanti ah ee ay gacanta ku hayaan.

Wa BilaahI Tawfiiq