Madaxweynaha JSL Oo Ka Hadlay Xaaladda Xanuunka COVID-19 Ee Gudaha Somaliland, Bulshadana Ugu Baaqay Inay Qaataan Talada Dhakhaaatiirta + Sawiro

0
556

Madaxweynaha JSL Oo Ka Hadlay Xaaladda Xanuunka COVID-19 Ee Gudaha Somaliland, Bulshadana Ugu Baaqay Inay Qaataan Talada Dhakhaaatiirta

 

Hargeysa-03-05-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee dalka ka marayo ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19 iyo dedaallada ay xukuumaddu waddo, isaga oo sidoo kalena farriin u diray shacabka reer Somaliland.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa ugu horrayn shaaciyey inay is beddeshay xaaladda xanuunka COVID-19 ee dalka, islamarkaana shacabka looga baahan yahay inay feejignaan gaar ah galaan, una diyaar garoobaan xaaladda cusub ee soo korodhay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qof kasta oo I maqlayaaba waa inuu maskaxdiisa  sidii hore wax ka beddelo, waayo waxa ina soo galay col aanad arkaynin oo hubkiisa aanad arkaynin oo diyaaradaha wax garaaca iyo taangiga iyo qoriga iyo xabbaddaba ka kulul oo ka dheeraynaya oo ka saamayn badan, wuxuuna la mid yahay dabka ka kaca kaymaha ee markuu soo bilaabma wax walba jiidha.”

 

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in xanuunku gaadhay heer loogu geeriyoodo gudaha Somaliland, filashaduna tahay in tirada uu asiibaa sii badato marka la qabyo tiro agabka baadhista covid-19 oo la filayo inuu dhawaan bilaabo shaqadiisa,  “Waxaynu haynaa dhimasho, waxaynu haynaa inuu xanuunkii ina dhex galay, waxa kale oo  ay imika dhakhaatiirtu ii sheegayeen  haddii aad hesho qof uu cudurku saameeyey konton kale ayaa jira ee doon, waana qaaciido , ilaa laba cisho gudahoodna waxa shaqaynaya baadhistii oo halkan lagu samayn doono, marka baadhistaas la bilaabona waan hubaa inay tiro badani soo baxayso oo ah inuu cudurkii inagu dhex jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay dedaalka xukuumaddu midho-dhal noqon karo oo kaliya marka ay shacabka u dhego-nuglaadaan waanooyinka xukuumadda, islamarkaana aan marnaba guul lagu gaadhi Karin muquunin iyo xoog, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dawladdu waxa ay wax qabataa marka uu dadku maqlayo waxa loo sheego, kuna toosin kari mayso haddii uu dhakhtarkii ku yidhi waxaas waad ku dhimanaysaaye ka joog oo aad tidhaahdo aan ku dhinto miyaanu la mid ahayn nin yidhi maanta waan is deldelayaaye I daa, markaa inaynu is waannino oo aynu maskaxda beddelno mooyaane xoog isku muquunin kari mayno.”

 

Arrinta joojinta qaadka iyo dhibaatooyinka ka dhashay ayuu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay, waxana uu  u qaadan waa ku tilmaamay in qaybo badan oo bulshada kamid ahi u tago xaydato inay dalka kusoo geliyaan sifo sharci-darro ah, “Waan filaayey kootarabaan iyo dad iyagu qaadka eryada, laakiin maan filaynin in boqolkiiba soddon (30%) dad mujtamaca kamid ahi ay mar qudha u dhaqaaqaan xaggee qaad yaallaa, mid gaadhi leh iyo mid lug ahba, waana mushkilad kale oo inagu soo korodhay oo inaynnu dadkeenna ka badbaadino ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq cilmiyeysan u diray culaamu’diinka iyo dadka gacanta ku haya masaajiddada kala duwan ee dalka, waxana uu ugu baaqay inay xil iska saaraan badbaadada bulshada iyo kala dheeraantooda inta lagu jiro xaaladda xanuunka covid-19, waxana uu yidhi, “Culimadu waxay isku raacsan yihiin in Bani’aadamka caafimaadkiisa la daryeello si loo helo Bani’aadam cibaadaysta, haddii uu dadkiiba dhammaado yaa cibaadaysanaya, soo Muslimkiina daciif noqon maayaan, dadkii diinta xambaarayeyna daciif noqon maayaan, diintu waxa ugu horreeya ee ay daryeeshaa waa  qofka Bani’aadamka ah ee Ilaahay khaliifka uga dhigay inaad ilaaliso caqligiisa iyo caafimaadkiisa, haddii dhakhaatiirkii Muslimka ahayd ee dalka kula deggenaa isku raaceen inuu xanuunkani ku faafayo masaajidka haddii jamaca lagu soo ururo, markaad leedahay joojin maayo adigu ma dhakhtarkii baad tahay, ma waxyi gaar ah baad haysataa, mise dadka inaad isku laysaa baad u badheedhaysaa.”

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray, “Dadka xanuunka laga helay imaamyo masaajiddada ka akhriyey tafsiir baa kamid ah, tabliiq baa kamid ah, geel jiraa kamid ah, waxa lagu badbaadayaa hallays ilaaliyo, culimadana waxan leeyahay waar yeynaan ku murmin wax aynu isla oggollahay oo ah Bani’aadamka halla nabadgelyo, diintana sideeda dadka halloo baro, laakiin dadka caafimaadkoodii idinku masuul kama tihidine dhakhaatiirtaa ka masuul ah oo aynnu dhegaysanaynaa.”

 

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu shaaciyey in xanuunka covid-19 awgeed la joojiyey munaasibadihii la qaban jirey 18-ka May iyo 26-ka June, “ Iyada oo xanuunnadaasi soo kordheen awgeed Waxan maanta halkan ka sheegayaa in laba munaasibadood oo qaali ah oo aynu dabbaaldegi jirnay 18-ka May iyo 26-ka June inaynaan sannadkan isu urur ugu dabbaaldegaynin, isu soo bax ma jiro, dadkana meel ku ururin mayno, wixii khudbado iyo farriin la gaadhsiinayona si gaar ah oo tan oo kale ah baa loogu sheegi, waxana kalliftay xaaladda dalku maanta marayo iyo cudurka CORONA VIRUS,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si furan uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen weriyayaashii kala duwanaa ee munaasibadda ku sugnaa, isaga oo sidoo kale   warbaahinta ku hambalyeeyey maalinta saxaafadda qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay bisha May tahay 3-da.

Wa-bilaahi Tawfiiq