Madaxweynaha JSL oo tacsi u diray ehelka iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xasan Cabdi Ismaaciil oo ku geeriyooday Sucuudiga

0
627

TACSI MADAXWEYNE:04/10/2018

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Cabdi Ismaaciil oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2018, Sucuudiga. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa Siyaasi Cismaan Cabdi Ismaaciil (Awr-liqe) oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadkaba door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loo soo maray dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.