This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha oo golayaasha Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xil Nuur Rayaale Khayre

Madaxweynaha oo golayaasha Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xil Nuur Rayaale Khayre TACSI MADAXWEYNE:  09/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland,…

Tacsi1

Madaxweynaha oo golayaasha Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xil Nuur Rayaale Khayre

TACSI MADAXWEYNE:  09/04/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadka kaalin muglehna ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa xildhibaanadii lagu aas aasay guurtida Somaliland oo uu ilaa hadda ka tirsanaa Marxuumku.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.