Madaxweynaha oo ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Ganacsade Marxuum Cali Nuur Cawaale oo lagu aasay Caasimada Hargeysa Maanta

0
815

Madaxweynaha oo ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Ganacsade Marxuum Cali Nuur Cawaale oo lagu aasay Caasimada Hargeysa Maanta

TACSI MADAXWEYNE: 26/10/2019

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee ganacsade Marxuum Cali Nuur Cawaale oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/10/2019, Caasimada Hargeysa, laguna aasay

 

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ganacsatada kana soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxaana maanta aas qaran oo madaxweynuhu ka qaybgalay loogu sameeyey xabaalaha baqiic ee waqooyiga Caasimada Hargeysa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.