Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyadeeyey Shacbiga Somaliland iyo Eheladii ay Geeriyootay  Wasiir Ku xigeen hore ee wasaaradaha Warfaafinta iyo Qoyska Shukri Xariir Ismaaciil oo Maanta ku geeriyooday Caasimada Hargeysa

0
657
TACSI MADAXWEYNE: 16/01/2021
 
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
 
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ku sifeeyey marwo ka baxday dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaadatay dhismaha warbaahinta, arrimaha bulshada iyo dalkaba, tusaalena u ahayd haweenka siyaasada daneeya.
 
Waxaanu madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.