Madaxweynaha Oo Kormeeray Xarumaha Wasaaradaha Horumarinta Biyaha  iyo Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

0
357

Madaxweynaha Oo Kormeeray Xarumaha Wasaaradaha Horumarinta Biyaha  iyo Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

 

Hargeysa-11-01-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo kusoo maray xarumaha wasaaradaha Horumarinta Biyaha iyo Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxana uu u kuur-galay hannaanka ay wasaaradahaasi shaqo-maalmeedkooda u gutaan.

 

Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa subaxii hore ee saaka kormeerkiisa shaqo kusoo maray xarumaha wasaaradahan, waxana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta kala duwan ee qaranka ugu igman wasaaradahaas, kuwaas oo madaxweynaha uga warbixiyey shaqada ay qaranka u hayaan ee maalinlaha ah iyo horumarka ay ilaa haatan ku tallaabsadeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq