Madaxweynaha Oo Qaabiley Safiirka Taiwan U Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland

0
503

 

WAR-SAXAAFADEED: 26/08/2020

 

Madaxweynaha Oo Qaabiley Safiirka Taiwan U Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.

 

Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii dalka Taiwan uga caawin lahaa Dalka Somaliland mashaariicda biyo balaadhinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xidheenada ama dhaamamka iyo sidii dalalka Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada oo dalka Taiwan uu Jamhuuriyadda Somaliland ka gacan siiyo una fudaydiyo in Ardayda Somaliland ay ka helaan dalkaasi waxbarasho bilaash ah (Scholarships).

 

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xidhiidhka labada Dal.

 

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.