This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Oo Shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida Ganacsade Xaaji Abiib Jibriil Nuur oo ahaa mulkiilihii Saw Hotel Boorama oo Hargeysa ku geeriyooday Maanta 

  TACSI MADAXWEYNE:  09/06/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii…

103092377_10157326833488837_3850226798664431581_n

 

TACSI MADAXWEYNE:  09/06/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Hotelka Saw ee Magaalada Boorama Marxuum  Xaaji Abiib Jibriil Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa, gaar ahaan Gargaar Hospital.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mid ka mida odayaasha dalka iyo ganacsatadaba, kana mid ahaa waayeelka qaybta weyn ka qaatay dib u dhiska dalka, mudooyinkii u danbeeyeyna ka hirgeliyey ganacsiyo kala duwan.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.