Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Qotaali oo dalka dibediisa ku geeriyooday

0
632

Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Qotaali oo dalka dibediisa ku geeriyooday

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

TACSI MADAXWEYNE-28/06/2018-(MT-JSL)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Axmed Aadan Cumar (Qotaali) oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay qaranka Somaliland, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland, xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland-na, ka soo qabtay Xukuumaddii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.