Madaxweynaha oo tacsi u diray waalidiinta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday Arday Maxamed Faarax Maxamed oo maanta ku geeriyooday Shil gaadhi 

0
632
Madaxweynaha oo tacsi u diray waalidiinta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday Arday Maxamed Faarax Maxamed oo maanta ku geeriyooday Shil gaadhi
Tacsi Madaxwe:26/02/2019
INNAA LILLAAI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waalidiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Farxaan Maxamed oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/02/2019, Magaalada Hargeysa.
 
Wiilka geeriyooday oo ka soo rawaxay mid ka mida dugsiyada gaarka loo leeyahay ayey geeridiisa sababtay baskii siday ardayda oo shil ku galay gudaha magaalada Hargeysa.
 
Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada, ciidanka nabadgelyada waddooyinka, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo cid kasta oo ku shaqo leh sharciga waddo marista, qarankana uga masuulka ah inay tallaabo ka qaadaan wadayaasha baabuurta gaar ahaan basaska qaada ardayda dugsiyada oo ay ka muuqato sida soo noq-noqota masuuliyad daro balaadhani, inay mariyaan sharciga wado marista, si looga hortago shilalkaasi oo kale.
 
Madaxweynuhu waxa uu qoyska qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ardaygaasi uga baryayaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa.
 
Aamiin Aamiin Aamiin
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.