This is the official website of the Office of the President of the Republic of Somaliland

Madaxweynaha Qaranka oo Laba Wareegto ku soo saaray laba Xeer

Wareegto Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-040/012025 uu ku Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024; Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer…

H.E Cirro

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-040/012025 uu ku Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024;

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024;

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoddobka 76aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoddobka 38aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan helay: Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/30/2024) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/10/376/2024, kuna taariikhaysan 30/12/2024, laguna ansixiyay Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024;

Waxa aan Soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu faafinayo Dhaqan-galka Xeerka Hay`adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024.

ALLAA MAHAD LEH
_______________________________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

********************************************************************8

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-039/012025 uu ku Dhaqan-gal geliyey Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud
ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024,

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoddobka 76aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoddobka 38aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan helay: Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/29/2024) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/10/376/2024, kuna taariikhaysan 30/12/2024, Xeerka Garyaqaanka Guud ee Somaliland, Xeer Lr. 89/2024;

Waxa aan Soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu faafinayo Dhaqan-galka Xeerka Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024.

Allaa Mahad Leh
_______________________________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.