Madaxweynaha Somaliland 0o Daah-furay Tartanka Koobka Gobollada Dalka Somaliland + Sawiro

0
461

Madaxweynaha Somaliland 0o Daah-furay  Tartanka Koobka Gobollada Dalka Somaliland

 

Hargeysa-28-10-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay tartanka koobka gobollada dalka Somaliland oo maanta si rasmi ah uga furmay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium.

 

Munaasibad kooban oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, islamarkaana lagu daah-furayey tartanka koobka gobollada Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland oo uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, wufuud ka kala socota dalka Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya oo wasiirradooda ciyaaruhu hormuud u yihiin, saraakiil ka socota guddida caalamiga ah ee Olombikada (Olympic),  ciyaaroyga kubbadda cagta ee gobollada kala duwan ee dalka iyo maamulkooda, marti-sharaf kale iyo kumannaan katirsan taageerayaasha kubbadda cagta ee gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo maanta ciyaartooda tartanka lagu furay.

 

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed oo munaasibadda furitaanka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan u galeen sidii uu tartankani u qabsoomi lahaa, isaga oo sidoo kale madaxweynahana ugaga mahadnaqay taageerada iyo gacanta uu ka geystay sidii uu tartankani u qaybsami lahaa, waxana uu bahda ciyaaraha ku lugta leh iyo dhallinyarada gobollada ka socota usoo jeediyey inay soo bandhigaan ciyaaro hufan oo ilbaxnimo ku dheehan tahay.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bahda ciyaaraha ku ammaanay nidaamka ay usoo qaban-qaabiyeen ciyaaraha gobollada, isaga oo sidoo kalena dhammaanba taliyayaasha kala duwan ee ciidamada ammaankana ku ammaanay sida ay amniga u sugeen ee u suurogeliyeen in jawi nabdoon ay ciyaaruhu ku qabsoomaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda furitaanka tartanka koobka gobollada ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in ciyaaraha gobollada dalku si nabad ah u qabsoomaan, waxana uu ammaanay cid kasta oo qayb ka ah inuu tartankani suurogalo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa farxad inoo ah inaynu isugu nimaadno xafladda furitaanka ciyaaraha gobollada, waana Ilaahay mahaddii Somaliland oo nabad ah, iskeed wax u qabsatay, heerkaas gaadhay in dhallinyaradeedii oo dhan iyo gobolladii ku ciyaaraan si ammaan, nabadgelyo iyo xornimo ah.”

 

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kubbadda bilaabashada koobka tartanka gobollada u laaday kooxaha gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo maanta tartanka lagu furay, waxana ay ciyaartaasi ku dhammaatay Gool iyo Gool ay labada kooxood isla dhaafi waayeen.

 

default

default
default
default
default
default
default
default
default
default
default
default
default

Wa Bilaahi Tawfiiq