Madaxweynaha Somaliland iyo Ururka Wershedlayda oo is-afgarad & wada shaqayn buuxda ka gaadhay cabashadii ganacasatadu ka muujiyeen wareegtadii lagu joojiyey cashuur dhaafkaasi

0
500

Madaxweynaha Somaliland iyo Ururka Wershedlayda oo is-afgarad & wada shaqayn buuxda ka gaadhay cabashadii ganacasatadu ka muujiyeen wareegtadii lagu joojiyey cashuur dhaafkaasi.

Hargeysa(MT-JSL)WAR-SAXAAFADEED:18/09/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta kulan la qaatay ururka wershedlayaasha Jamhuriyadda Somaliland oo cabasho ka muujiyey wareegtadii madaxweynuhu ku joojiyey cashuur-dhaafka aan sharciga ahayn ee wershadaha ganacsiga hore loogu samayn jiray.

Kulankaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha horumarinta maaliyadda, ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, rugta ganacsiga iyo ganacsatada wershedlayda Somaliland ayaa lagu lafo-guray arrimo la xidhiidha cashuur dhaafkii hore loogu samayn jiray warshedaha ama ganacsatada dalka, waxaana xukuumadda iyo ganacsatadu isla garteen in xal laga gaadho cabashada wershedlayda.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad iyo wada shaqayn buuxda oo xal u noqotay cabashadii ganacasatadu ka muujiyeen wareegtadii lagu joojiyey cashuur dhaafkaasi.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska iyo Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.